Xarunta Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka ee Tiyaatarka ayaa Maanta waxaa lagu qabtay munaasabad lagu xusayey 60-guurada ka soo wareegtay Xornimada Gobolada Koonfureed iyo Midnimada dalka ee 1-da Luulyo.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha, Guddoonka Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Fanaaniin iyo Mas’uuliyiin kale oo aad u badan.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaa Munaasabadda ka jeediyay Khubad dheer oo uu uga hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda dalka iyo Xornimada Gobolada Koonfureed iyo Midnimada dalka ee 1-da Luulyo.
Madaxweynaha oo mar ka hadlaayay Arrimaha Doorashada ka dhici doonta dalka ayaa waxaa uu sheegay in Doorashadaas ay noqoneyso mid qof iyo Cod, isagoo ku celiyay in la qabanayo Doorasho qof iyo Cod, isla markaana awood ay u leeyihiin shacabka.
Waxaa uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in Madaxda haatan ee dowladiisa ay tilmaamsanayaan S.Y.L oo aysan jirin meel kale oo ay wax ka baranayaan, wuxuuna sheegay inay doonayaan inay dalka ay wax badan ka qabtaan.
Sidoo kale hadalkaas Madaxweynaha ayaa u muuqday mid ugu Jawaabayay hadalkii xalay kasoo yeeray C/raxmaan C/shakuur ee ahaa inuu dowladda Farmaajo tallaabooyinka ay qaadeyso ay kasoo minguuriso Itoobiya.
“Anaga S.Y.L baa tilmaan noo ah ogaada ma ahan waxaan meel kale ka baraneyno maxay tahay sababtu waa in aan shacabka awoodda dib ugu celino aana ku aaminno inay codka bixiyaan hadii ay dib noo celinayaan iyagu masuuliyadda ha qaataan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Dhinaca kale C/raxmaan C/shakuur Warsame oo xalay mar uu ka hadlaayay Munaasabadda 1-da Luuliyo ayaa waxaa uu yiri “ Abiye Ahmed ayaa maalmahan tilmaamaha laga soo qaataa, waa kaas ninkii Mucaaradka ahaa xiray Maxamed Jawar, bal haleyga warqabo anagana waa nagula soo socdaa”.