Maydkii Nin Somali-Australian oo dhowr bilood la la’aa oo laga helay gudaha dalkaasi

Saraakiisha ku takhasustay Baaritaanka maydadka ee dalka Australia ayaa ku hawlan sidii loo ogaan lahaa Haraaga Lafo Dad oo laga helay Dhul-kaymeed ku yaalla Degaanka Mirrabooka ee dalka Australia.

Jaalliyadda Soomaalida ee ku nool dalkaasi ayaa rumeysan in maydka la helay uu yahay Nin Somali ah oo la oran jirey C/llaahi Cigaal, kaasi oo la la’aa tan iyo bishii May ee la soo dhaafay.

Marxuumka oo 26 jir ahaa, isla markaana ku noolaa magaalladda Perth ayaa la sheegay inuu dilay Nin kale oo Somali ah oo la rumeysan yahay inuu u soo baxsaday Somalia.

Ku-dhawaad 100 ka mid ah Jaalliyadda Soomaalida ayaa isugu soo ururay halka laga helay maydka, iyagoo la yaaban Dhacdadaasi.

Qoyska Marxuumka waxay shalay Boliska u sheegeen inay heleen Warbixin muujinaysa in maydka Marxuum C/llaahi Cigaal lagu aasay meel ka tirsan Dhul-kaymeedka Degaanka Mirrabooka.

Qoyska waxay sheegeen in ay ogaadeen inuu dilkiisa geystay Nin ay saaxiibo ahaayeen, kaasi oo isla habeenkii uu dilay Marxuumka u soo dhoofay dalka Somalia.

Guddoomiyaha Jaalliyadda Soomaalida ku nool Galbeedka dalka Australia, Hassan Cigaal ayaa sheegay inay ka argagaxeen dilkaasi iyo in la qariyey Maydkii Marxuumka.

Waxa uu sheegay inay la xiriireen Qoyska Gacan-ku-dhiiglaha ee la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey dilkaasi, oo ay kala hadleen Dhacdadaasi.

Guddoomiyaha waxa kale oo uu sheegay inay la hadleen Gacan-ku-dhiiglaga oo ku sugan gudaha Somalia, kaasi oo uu xusay inuu qirtay inuu dilay Marxuum C/llaahi Cigaal.

Gacan-ku-dhiigalaha ayaa laga soo xigtay inuu dilkaasi geystay, kadib, markii ay is-khilaafeen Marxuumka, wuxuuna qirtay inuu si qarsoodi ah u aasay maydka Marxuumka.

Dhinaca kale, Marxuumka la dilay Walaashiisa oo lagu magacaabo Nimco Cigaal ayaa sheegtay in Walaalkeeda la dilay uu ahaa Ganacsade.

Waxay intaasi ku dartay inay Qoyskeeda horey u deganaayeen dalka Zew Zealand, balse ay dalka  Australia u soo wareegeen sannadkii 2002-dii.

© Radio Dalsan

Xigasho:- The Australian

 

Police at a Crime Scene at Herb Graham Recreation Centre, Mirrabooka. It is believed the body of a missing Somali man is located in bushland behind the centre. Nimo Egal, Sister of the missing man is speaks to the media, surrounded by members of the local Somali community Picture: Ben Crabtree The West Australian. 19/10/2015
5

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor