Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee maamulka Somaliland ayaa waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Saddex Askari oo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland.
Maxkamadda ayaa Maxamed Yaasiin Faarax oo ah Askari Boolis ah ku xukuntay dil toogasho ah, kaasi oo la sheegay inuu Marxuum lagu magacaabi jiray Caydaruus Maxamed Daahir ku dilay duleedka Magaalada Wajaale.
Sidoo kale Maxkamadda ayaa xukun xabsi 11 sano ah ku riday labada askari ee kala ah oo lagu kala magacabo Cabdinaasir Maxamuud Guuleed iyo Cumar Maxamed Cabdi.
Maxkamadda ayaa labadaas Askari ku heshay Kiis ah inay ku lug lahaayeen falkii dilka ahaa ee uu geystay Maxamed Yaasiin Faarax oo ah Askari ka tirsan Ciidanka Booliska.
Si kastaba Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee maamulka Somaliland ayaa todobaadyo kahor xukun dil ah ku fuliyay in ka badan shan ruux, kuwaasi oo lagu helay falal dil ah ay geysteen.