Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun Dil toogasho ah ku riday Askari ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo mid ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka.
C/Waxiid Cali Sh Aadan oo ah Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa Dil Magaalda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Sannadkii hore ugu geystay Muxyidiin Maxamed Cabdiraxmaan.
Sidoo kale Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday C/raxmaan Cali Xuseen oo ka tirsanaa Nabad Sugida Baydhabo ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Maxkamadda ayaa C/raxmaan Cali ku heshay inuu dil u geystay Marxuum lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Cali Maxamed.