Maxkamadda G/Banaadir oo shaacisay waqtiga Go’aanka laga gaarayo kiiska Sayid Cali

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa muddeysay waqtiga la dhageysanayo Go’aanka dacwada kama dambeysta ee kiiska Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu xaaskiisii oo uur laheyd bishii hore ku gubay magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Maxkamadda Gobolka ayaa lagu muddeeyay in Maalinta Arbacada ah 06-03-2024 Maxkamadda la horkeeno mar kale Eedeysane Sayid-cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu gubay xaaskiisii Marxuumad Luuq Cabdicasiis oo aan weli la aasin.

Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa isbuucii hore lasoo gabagabeeyay dhageysiga kiiska dilka ah ee loo heesto, waxa uuna ninkan qirtay in uu sabab u ahaa geerida xaaskiisa Luul Cabdicasiis, isagoona sheegay in xaaskiisa uusan kutalagal u gubin una dilin.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor