Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa la soo taagay Wariye Cali Aadan Muumin oo kamid ah Wariyeyaasha ka howlgala Warbaahinta Goobjoog FM ee Magaalada Muqdisho.
Wariyaha ayaa waxaa shalay lagu xiray Xarunta Hay’adda Dembi Barista ee CID-da,kadib markii la sheegay in Dacwad ay ka gudbisay Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.
Hayeeshee Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa Amartay in Xabsiga lagu sii hayo Wariye Cali Aadan Muumin ilaa inta uu ka dhamaanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dowlada.
Sidoo kale Maxkmadda Gobolka ayaa amar ku bixisay in la sii daayo oo Dib Xoriyadiisa loo siiyo Wariye Cali Aadan Muumin Marka uu dhamaado Imtixaanka dowladda Soomaaliya oo ku Eg 31-da Bisha May 2019.
Dhawaan ayaa Cali Aadan waxaa uu bartiisa Facebook uu ku leeyahay kusoo qoray in uu ahaayo nuqul kamid ah Imtixaanka shahaadiga Dugsiyada sare ee dalka,kaasi oo maalintii 3-aad ka socda Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka.