War ka soo baxay Xafiiska Taliye kuxigeenka koowaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Saciid Kadiye Axmed ayaa waxaa Digniin loogu diray dadka degan dhismeyaasha dowladda Soomaaliya.
Dadka degan Xarumaha kala ah Jaamacadda umadda, madbacadda qaranka iyo Bankiga dhiigga oo hoostaga Wasaaradaha Warfaafinta,Waxbarashada iyo Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa la faray in muddo toddo cesho ah oo ka bilaabatay 26-kii Bisha May,kuna 1-da Bisha Jun 2019, uga baxaan halkaasi.
Xarumaha amarka lagu bixiyay in laga guuro ayaa waxaa la sheegay inay u soo baahdeen Hay’addihii ku shaqeyn lahaa, si loogu qabto adeegyada dantaguud ee loogu tala galay.
Taliyaha qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa la faray inuu dadka ka bixiyo dhismeyaashaas marka la gaaro 2-da bisha soo socota ee Jun 2019.
Amarkan kasoo baxay Xafiiska Taliye kuxigeenka koowaad ee Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa waxaa warbaahinta u Akhriyay Jenaraal Maxamed Yuusuf Madaale oo ah Taliyaha Ciidanka nanadgalyada Wadooyinka Gobolka Banaadir