Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Hiiraan ayaa waxaa uu kala diray xubnaha Hay’addaha Garsoorka Gobolka Hiiraan.
Wareegto ka soo baxady Xafiiska Madaxweyne Waare ayaa waxaa lagu kala diray dhammaan xubnihii Hay’addaha garsoorka Gobolkaas.
Sidoo kale Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay sababta loo kala diray Garsoorka Hiiraan,isla markaana waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo in dib u heyn la sameeyo.
Madaxweynaha Hirshabeeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha garsoorka Hirshabeelle faray inuu dib uu soo dhiso Garsoorka Gobolka Hiiraan,iyadoo loo maraayo habraacyada Sharciga waafaqsan.
Hoos ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Waare.