Maxkamadda ciidamada oo xukuntay Tababare Ciidan oo lagu helay la shaqeynta AS

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Macalin Tababar oo ka tirsanaa kuliyadda Jaalla siyaad ee militaryga Soomaaliya, kaasi  loo heysto inuu la shaqeynayay dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ah 63 jir ah  ayaa loo soo xiray in uu ka tirsanyahy Al-shabaab gaar ahaan qeybta waxa loogu Amniyaadka, isla markaana uu u qaabilsanaa bixinta xogaha Ciidanka Xooga Dalka, sida ay sheegtay Maxkamadda ciidamada.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa caddeeysay in sarkaalka uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare, laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo, xilligii diiwaan gelinta Ciidamada socotay loo helay xidig sax ah.

Hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo ogaaday in Xidigle Cabdicasiis Xuseen Nuur Musral uu yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa ugu danbeyn maanta Go’aan ka soo saartay Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor