Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay Askari dilay Askari kale

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil Toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini),oo horay xarardheere dil ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabee, oo ay militariga ka wada tirsanaayeen September kow iyo Tobankeedii ee Sanadkan.

Maxkamad wareegto oo loo diray ayaa xukunkan dilka ah kula fulisay Xarardheere,kadib markii maxkamaddu ku heyshay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac oo katirsana Ciidanka Gor-Gor uu si bareer ah u dilay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabee

Waana fariin loo Dirayo Ciidanka oo ah in ay Dilaan Cadowga balse aan Hubka loogu dhiibin Iyaga in ay Is Dilaan.

Maxkamadd ciidamada qalabka sida ayaa sidaan oo kale horay u fulisay xukunno askar dilal u geeystay shacab iyo ciidan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply