Maxkamadda Ciidamada oo la horgeeyay Eedeysanayaal dhowr ah

Maxkamadda dajarada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ayaa bilowday dhageysiga dacwado kala duwan oo loo heysto Eedeysanayaal ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka.

Ilaa iyo 9 Askari oo ka tirsan Booliska dowladda ayaa lagu eedeeyay ka tegis goob shaqo, amar diido, gadood Ciidan oo ka sameeyeen degmada Doolow ee Gobolka iyo inay dil u geysteen Askari kamid ahaa Ciidanka dowladda.

Ku-xigeenka xeer ilaaliyada Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle Maxamed C/qaadir Maxamed ayaa Maxkamadda ka dalbaday in 9-ka Eedeysane sharciga la marsiiyo, isla markaana kamid ah raggaas ee dilay Askariga lagu rido xukun dil toogasho ah.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle oo fadhiga Maxkamada soo xiray ayaa sheegay in Go’aanka eedeysanayaasha dib laga shaacin doono.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ayaa maalmo kahor xukuno kala duwan ku dilay rag ka tirsan Ciidanka dowladda oo degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ku dilay Gabar dhalinyaro  aheyd oo lagu magacaabi jiray Ismahaan Bakaal.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media