Maxkamad ku taalla London oo sii daysay Eedeysane Somali oo loo haystay dilka nin kale oo Somali ah.

Maxkamadda Old Baily ee magaalladda London ee dalka Britain ayaa amartay in la sii daayo Eedeysane Cilmi Cawil o o21-jir ah, kaasi oo lagu soo oogay inuu dilay Marxuum la oran jirey Mustafa Faarax oo 24-jir ahaa.

Eedeysanaha oo horey u ahaan jirey Ciyaartoy K/Cagta ah ayaa la sheegay inuu bir weyn qoorta kaga dhuftay Marxuumka bishii June 4-dii ee sannadkii hore.

Dhegeysiga Dacwadda ee Maxkamadda Old Bailey ayaa socotay in ka badan 12-saacadood, ka hor intaysan Xeer-beegtida go’aamin inaan wax dembi ah lagu helin Eedeysanaha oo isaga markii uu dilkaasi geystay u baxsaday dalka Holland, balse, markii dambe uu isku soo dhiibay Boliska Britain.

Eedeysanaha waxa uu Maxkamadda ka hor sheegay inuu Marxuumka bir ku dhuftay si uu isku difaaco.

Dr. Ashley Fegan-Earl oo ka mid ah Baarayaasha dadka geeriyooda ayaa sheegay inuu Marxuumka u geeriyooday bir looga dhuftay Tunka, taasi oo dhibaato gaarsiiyey Neerfayaasha Qoorta.

Wuxuuna tilmaamay inuu Kiiskan oo kale uu 3 jir la kulmay, isagoo baaritaano guud ku sameeyey 17,000 oo Kiisaska la xiriira baaritaanka sababaha ay dadka u dhinteen.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media