Qaxooti Somali oo doonaysay inay u gudbaan Kanada oo dib loogu soo celiyey Maraykanka.

Saraakiisha Xuduudaha  ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen 3 Muwaadiniin Somali ahoo doonaysay inay lug ku galaan dalka Kanada.

Telefishinka CBC News ayaa ogaaday in  2 nin iyo haweeney Somali ah oo doonaysay inay u gudbaan xuduudka Kanada la wadaago Maraykanka ayaa la qabtay, 2 maalmood kadib, markii ay 22 Qaxooti ay lug ku gaareen magaalladda Manitoba ee dalka Kanada.

Shaqaalaha Gurmadka ayaa sheegay in Nin Somali ah la dhigay Isbitaalka, kadib, markii ay Ilaaladda Xuduudaha ku qabteen isagoo ku orday dhul kaymo ah oo ku yaalla Koonfurta Xuduudka Maraykanka iyo Kanada.

Kris Grogan oo ah Sarkaalka Arrimaha Dadweynaha ugu qaabilsan Hay’adda Canshuuraha iyo Ilaalinta Xuduudaha ee Maraykanka ayaa sheegay inuu ninka doonayey inuu ka baxsado Ilaaladda, iyadooo saaxiibadiisa kale lagu qabtay Kaalin Shidaal, kana war dhowrayeen haddii uu Saaxiibkooda u gudbo xuduudka Kanada.

Dhinaca kale, Sherali Shah, oo isaga iyo xaaskiisa  Qaxootigaasi geeyey gurigooda markii Ninka Soomaliga laga soo saaray Isbitaalka ayaa sheegay inay u malaynayaan inuu ninkaasi qabo xanuun dhinaca Wadnaha.

©Radio Dalsan

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media