Maxkamad ku taala Beljimka oo ansixisay in Salax Cabdisalam lagu wareejiyo Dalka Faransiiska

Sida BBC ayaa sheegeyso Maxkamad ku taala Magaalada Brussels ayaa ansixisay in Gacanta loo geliyo Salax Cabisalam oo ka dambeeyay Weerarkii Paris Dowlada Faransiiska.

Salaax Cabdisalam ayay xiren Booliska Biljimka Horaantii bishii Maarso kadib howlgalo balaaran oo ay ciidanka sameeyen.

Ninkan ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay Weerarkii bishii November 2015kii ka dhacay Paris halkas oo lagu dilay dad shacab ah.

4 cisho kadib Xarigiisa waxa Magaalada Brussels ka dhacay Qarax xoogan oo ay ku dhinteen 32 ruux sida Booliska laga soo xigtay.

Waa Nin heysta Dhalashada Biljimka balse ka soo jeeda Dalka Aljeeriya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor