Maxay ka wada hadleen Saciid Deni iyo Xildhibaanada Puntland ku metela DFS?

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan la qaatay Xildhibaanada Puntland ku metala labada Aqal ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Saciid Deni iyo Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa mid la xiriiray Is xog-wareysi ku saabsan guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo marxaladda kala guurka ee dalku marayo.

Afhayeenka Warfaafinta Madaxtooyada Jama Deperani ayaa sheegay in Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka ee kasoo jeeda Puntland ay Madaxweyne Deni ku boggaadiyeen dadaalka markasta ka qaadato Puntland dhismaha dowladnimada Somalia.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa Xildhibaanada labada Aqalka ee uu la kulmay la wadaagay warbixin kooban oo ku aadan horumarada iyo shaqooyinka dowliga ah ay wado Puntland, iyagoona boggaadiyay Maamulka tallaabooyinka uu qaaday.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana kulamo kala duwan Deni uu la qaatay Siyaasiyiin, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo xubno kale.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media