Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Magalada Jowhar kulan kula qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. James Swan oo gaaray halkaas.
Madaxweyne Waare kulan uu la qaatay James Swan ayaa waxaa ku wehlinayay Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, waxaana inta uu socday kulanka looga hadlay arrimo kala duwan.
Sidoo kale kulankan ayaa sigaar ah looga hadlay dadargalinta iyo ka faa’iideysiga mashaariicyada horumarineed ee UN-ka ka fulinayo deeganada Maamulka Hirshabeelle.
Kulanka Madaxweye Maxamed Cabdi Waare iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb. James Swan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambasadoor Francisco Madeira.