Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay Hotelka Decale kulan kula qaatay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta Musharaxiinta Madaxweynaha.
Kulanka ayaa waxaa inta uu socday looga arrinsaday xal u helida arrimaha doorashooyinka iyo sidii Musharaxiinta u taageeri lahaayeen Shirka Wadatashiga Qaran ee shalay Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada uga furmay Muqdisho.
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Maxamed Cali Ibraahim oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in KGS ay wado dadaalo kala duwan oo lagu xalinayo khilaafka ka taagan doorashada.
Kulanka dhexmaray Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Musharaxiinta ayuu Agaasime Maxamed Cali tilmaamay inuu ujeedkiisa ahaa sidii loo taageeri lahaa Shirka looga hadlayo doorashada ee shalay ka furmay Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sh Axmed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Mustaf Dhuxulow iyo xubno kale oo ka tirsan Musharaxiinta, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed.
Madaxda dowlad Goboleedyada ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa wada kualmo ay la qaadanayan Musharaxiinta Madaxweynaha, iyagoona kala hadlaya sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.