Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa is kulul uga hadashay weerar duqeyn oo Ciidamada Israa’iil la bartilmaameedsadeen Xarunta hay’adda Bisha Cas ee Qatar ee marinka Gaza 17-kii bishaan May.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa lagu Cambaareeyay weerarkii lala beegsaday Xarunta hay’adda Bisha Cas ee Qatar oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Dowladda ayaa falkaas dhacay ku tilmaamtay inuu yahay talaabo aan marmarsiinyo lahayn, isla markaana xadgudub cad uu yahay kana dhan ah sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha.
“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay cambaaraynaysaa weerarka duqeynta cirka ah ciidamada gumeysiga Israaiil ay ku bartilmaameedsadeen xarunta hey’adda Bisha Cas ee Qatar ee marinka Gaza galabnimadii Isniinta, 17-ka May, kaasoo sababay geeri iyo dhaawac tiro dad ah oo aan waxba galabsan iyo burbur lixaad leh oo haleelay dhismaha Isbitaalka Hamad bin Khalifa oo adeegyo caafimaad u fidinayay dadka naafada iyo kuwa baahida gaarka ah qaba, falkani waa talaabo aan marmarsiinyo lahayn iyo xadgudub cad oo ka dhan sharciga caalamiga, anshaxa iyo qiyamka aadanaha” ayaa lagu yiri Qoraalka Xukuumadda.
Weerarkaan oo ahaa duqeyn dhinaca Cirka ah oo lala beegsaday Xarunta hay’adda Bisha Cas ee Qatar ee marinka Gaza ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah, halka kuwo kalena uu dhaawac soo gaaray, waxaana weerarkaas uu kamid noqday weeraro todobaadyadii lasoo dhaafay Israa’iil ka waday Gaza.