Maxamed Nur Cadde “Aabahay Nur Cadde wu noolyahay waana been warka“

Ehelada ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadre ayaa ku xanuunsanaya Isbitaal ku yaalla magaalada London halkaas oo lagu dabiibayo.

 

Baraha bulshada ayaa lagu daabacay warar sheegaya in uu geeriyooday iyada oo ehelada ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ay sheegeen in ay wararkaas yihiin kuwa been abuur ah welina Isbitaalka uu ku jiro.
Maxamed Nur Cadde oo Radio Dalsan la halday aya u sheegay warka lagu faafiyey Warbaahinta qaar inuu been abuur yahay waxuuna sheegay in xaalada aabihi ay ka so reyneyso.
Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde ayaa ku xanuunsanaya Isbitaal ku yaalla London waxaana ra’iisul wasaare Kheyre uu sheegay in laga warqabayo kadib markii uu la hadlay xubno ka mid ah qoyskiisa una rajeeyay caafimaad deg deg ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media