Maxaa looga hadlay Shirkii Maanta ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey Shirka Todobaadalaha ah ee Golaha Xukuumadda oo si qoto dheer looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo guulihii ugu danbeeyey ee laga gaaray  dagaalka.

Golaha Wasiirada Xukuumadda, ayaa tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarkii maalmo kahor Al-Shabaab ku qaaday Guri ku yaalla degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir, halkaas oo lagu daaweynayay macwiisley kusoo dhaawacantay dagaalka Hiiraan.

Sidoo kale, Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Turkiga ayaa golaha warbixin ka siiyey howlaha gurmad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaga qeyb-qaadanayaan Gurmadka walaalaha Turkiga ee masiibadu ay ku habsatay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay barnaamijka xasilinta deegaannada la xoreeyey, isticmaalka nidaamka guud ee dowliga ah ee hay’adaha caalamiga ah, barnaamijka deyn cafinta iyo xaaladda dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalka Niger.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor