Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka dhoofay Muqdisho + ujeedka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi xildhibaano ah uu hogaaminayo ayaa goor dhow ka dhoofay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka kasii sagootiyey Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka,  waxaana wafdiga ay u ambabaxeen Caasimada dalka Ciraaq ee Baqdaad,

Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa halkaasi ugu qeyb galaya meertada 34-aad ee Midowga Baarlamannadda Dowladaha xubnaha ka ah Jaamacada Carabta oo loo madlanyahay inuu ka furmo magalada Baqdaad.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada  Baqdaad waxaa uu kulamo la yeelan doonaa qaar kamid ah Guddoomiyeyaasha  Baarlamannadda Dowladaha Carabta ee shirka ka qeyb galaya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor