Xarunta dowlada Hoose ee Xamar ayaa Maanta waxaa lagu qabtay kulanka Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo todobaadkii mar la qabto loogana hadlo horumarinta Caasimadda.
Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahan Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish, isla markaana waxaa kasoo qeyb galay Guddoomiyeyaasha Demooyinka iyo xubnaha maamulka Gobolka.
Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid ahaayeen kubcinta dhaqaalaha, Sugida amniga Caasimadda, Nadaafada, Canshuuraha iyo Caafimaadka.
Sidoo kale Madaxdii ka qeyb gashay kulanka ayaa ka hadlay dib-udhiska wadooyinka, xoojinta howlgalada dib loogu furaayo dhismooyinka sharci darada ah ee laga dhistay wadooyinka iyo arimakale oo quseeya horumarinta Magaalada Muqdisho.