Maxaa looga hadlay Shirka Todobaadlaha ee Maamulka G/Banaadir?

Maxaa looga hadlay Shirka todobaadlaha Maamulka G/BanaadiGuddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa qaab Online ah u shir gudoomiyay kulan degmooyinka Gobolka Banaadir oo todobaadkii mar la qabto kaas oo looga hadlo horumarinta Caasimadda.

Duqa magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyiinta kale ayaa kuwada xiriiray mid kamid ah aaladaha ay bulshada isticmaalan ee Skype-ga waxaana gabi ahaan si kumeel gaar ah loo hakiyay shirarkii isku imaatinka ahaa si looga hortago faafinta cudurka halista ah ee Covid-19.

Shirkan ayaa intiisa badan looga hadlay xoojinta ka hortago Coronavirus iyo in lasii laba-laabo wacyigalinta bulshada.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ka wada ololo Shacabka looga wacyi-gelinayo faafida Cudurka hslista ah ee Coronavirus oo kiisas dhowr ah laga helay dalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media