Faah faahin:-Dagaal ka dhashay Qaad oo ka dhacay Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal muddo daqiiqado socday oo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Kaaraan, kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Dagaalkaan ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay agagaarka Xaafadda Mariino ee Degmada Kaaraan, waxaana la sheegay in uu yimid, kadib markii Ciidamada ay isku qabsadeen qaad si qarsoodi ah loo soo geliyay Muqdisho.

Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa waxaa xalay laga maqlayay dhawaqa rasaasta xoogan oo ay isdhaafsanayeen Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka, kuwaasi oo Jaad isku qabsaday sida la sheegay.

Ilaa iyo hada lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Mariino, welina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kal hore mamnuucday qaadkii laga keeni jiray dalka Kenya, sidoo kalena xirtay Xuduudaha dalka, waxaana sababta ugu weyn ee qaadka loo joojiyay ay tahay ka hortega faafida Cudurka Coronavirus.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media