Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa manta oo khamiis ah shir guddoomiyey shirka Golaha Xukuumadda Jubbaland oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada Maamulka.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn Golaha Wasiiradda oga warbixiyey xaalada siyaasadda dalka, Amniga, doorashooyinka dalka iyo safarkii shaqo ee ugu maqnaa Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya.
Inta uu socday Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay Arrimo ay kamid ahaayeen ammaanka, dhaqaalaha, dhismaha biyo xireenada wabiga Jubba, iyo wada shaqaynta Hay’adaha iyo Wasaaradaha Dowlada.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Wasiirada Wasaaraddaha dowlad Goboleedyada Jubbaland faray inay dardar-geliyaan shaqooyinka horyaalla, isla markaana ka dalbaday in laga shaqeeyo dhismaha biyo xireenada wabiga Jubba.