Madaxweynaha dowlad Goboleedla Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen Guudlaawe ayaa shir gudoomiyay Kulanka Guud ee Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ka dhacay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Shirka Golaha Wasiirada ee maanta waxaa warbixino looga dhageystay siihayayaasha Wasiirada Wasaaradaha Beeraha iyo Waraabka Caafimaadka, Dhalinyarada iyo Isboortiga, iyo Wasaarada Biyaha iyo Tamara.
Madaxweynaha ayaa Hambalyo u diray Ciidanka Booliska Somaliyed oo maanta u dabaal degaya sanad guuradoodii 77aad oo ku beegan markii la aas aasay.
Madaxweynaha ayaa ku dhiiragaliyay Ciyaartooyda Hirshabeelle uga qeybgaleysa Tartanka Dowlad Goboleedyada una rajeeyay guul iyo in ay koobka soo hoyaan waxa uu balan qaaday Madaxweynaha in Dhiirigalin joogta ah ay la barbar taagnaan doonaan Isboortiga.