Xildhibaan ka badbaaday Qarax xoogan oo loo adeegsaday Gaari

Qarax loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay Maanta caasimadda wadanka Afgaanistan ee Kabul ugu yaraan sagaal ruux ayaa ku geeriyootay, waxaana bartilmaameedkiisu ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Khan Mohammed Wardak ayaa ka badbaaday weerarka, iyadoo 20 qof ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan Haweenk iyo carruur, sida wasiirka arrimaha gudaha Afghanistan Mascuud Andarabi sheegay. Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Afghanistan waxaa ku sii kordhay weeararada iyo qaraxyada todobaadyadii u dambeeyay, iyadoo Dowladda iyo Taliban oo wadahadal u socdo kaas oo la doonayo in lagu soo afmeero dagaalka ku dhowaad 20 sano ka socday dalkaas.

Dhinca kale, Axaddii qaraxyo ayaa laga soo wariyay gobolada Logar, Nangarhar, Helmand iyo Badakhshan, waxaana ku waxyeeloobay saraakiil ka tirsan ciidanka amniga.

Jimcihii qarax loo adeegsaday mooto Bajaaj ayaa dilay 15 ruux oo ay ku jiraan 11 caruur ah, dhibaatada ayaa ka dhacday gobolka bartamaha ku yaala ee Ghazni.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media