Maxaa looga hadlay kulanka todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir?

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulanka degmooyinka gobolka Banaadir oo todobaadkii mar la qabto kaas oo looga hadlo xoojinta horumarka Caasimadda iyo islaxisaabtanka waxaana isugu yimaada hogaanka sare ee maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda degmooyinka.

Qodabadii shirkani looga hadlay waxaa kamid ahaa Amniga, kor u qaadista kubaca dhaqaalaha, Nadaafada, Sports-ka, canshuuraha iyo hoos u daadajinta adeegyada dowlada hoose Xamar.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa kula dardarmaay madaxda degmooyinka gobolka Banaadir in bulshada si hufan loogu qidmeeyo iyo sidoo kale xoojinta wadashaqeynta maamulka degmada, laamaha amniga iyo shacabka si loogu guuleysto ka hortaga nabadiidka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media