Golaha Xukuumadda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa maanta furmay waxana looga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya Maamulka, iyadoo ay soo qayb ka ahaayeen kulanka.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta shir-guddoomiyey Shirka Golaha Xukuumadda Dowlad Goboleedka Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, imtixaanka fasalka 8-Aad iyo sanad dugsiyeedka cusub, xaaladda wadooyinka, curashada roobka Dayrta iyo saadaasha hawada.
Waxaa la isla meel dhigay sidii loo wajihi lahaa dhammaan waxyaabaha Maanta lagu faaqiday kulanka oo ahaa mid xasaasi ah.