Maxaa looga hadlay Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Puntland?

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Puntland  Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad  Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad  Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 3-aad  ee Kalfadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Dowld Goboleedka Puntland.

Kulanka maanta waxaa Xildhibaannada loogu qaybiyey Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 51-aad, si waafaqsan qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad  ee Xeer hoosaadka Golaha Wakiillada, iyada oo ay soo diyaariyeen Shir Guddoonka Golaha.

Sidoo kale Kulanka maanta waxaa Golaha laga hor akhriyey warbixinta Guddiga joogtada ah ee Kalfadhiga 51-aad, warbixintaas oo ku saabsanayd waxqabadka Guddiga joogtada ah ee muddadii u dhaxeysay labada Kalfadhi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor