Mas’uulkii ugu horeeyay oo u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee KGS

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen.

Guddoomiye Yariisoow ayaa lafta-gareen Alle uga baryay in uu xilkan culus la garabgalo,isla markaana shacabka Koonfur Galbeed ugu baaqay inay ka shaqeyaan horumarka Koonfur Galbeed.

Xildhibaano Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Baydhabo waxa ay ku doorteen Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta -gareen,kaasi oo noqonaya Madaxweynaha cusub ee Afarta Sano ee soo socota Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiiga Facebook Duqa Muqdisho ayaa sidaan u qornaa.

Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Mudane Abdiaziz Hassan Mohamed (Laftigareen), waxaana EEBBE uga baryayaa inuu xilkan culus la garabgalo. Shacabka K/Galbeed waa inay midnimadooda ka shaqeeyaan oo horumarka KG laga wada shaqeeyaa iyadoo shacabka Soomaaliyeed ee Muqdisho ay garabkiina taagan yihiin marwalba.

Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen oo ku soo baxay Doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa helay Codad gaaraya ilaa iyo 101 Cod.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media