Dowladda Denmark oo baaq u dirtay Soomaalida ku nool dalkaas

Wasiiradda Socdaalka ee dalkaasi, Inger Støjberg waxay u sheegtay Muhaajiriinta Soomaalida ku nool dalka Denmark inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo, kana shaqeeyaan dib-u-dhiska iyo hagaajinta dalkooda hooyo.

Waxay intaasi ku dartay inay khatar ka jirin Somalia, isla markaana ay waajib ku tahay inay Soomaalida ku nool Denmark dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Tan iyo markii ay Hya’adda Socdaalka Denmark bilowday inay dib u eegaan Ruqsadaha Deganaanshaha ee Qaxootiga bilowgii sannadkii hore, waxay Dowladda Denmark fasixii Deganaanshaha kala  noqotay  ku-dhawaad kun qof oo Somali ah.

Idaacadda Denmark ee “The Danish Broadcasting Corporation” waxay soo werisay in Soomaalida lagala laabatay Deganaanshaha dalkaasi ay ku jiraan 516 Somali oo Magangelyo Toos ah la siiyey, halka 412 kalena yihiin xubno ka tirsan Qoyskooda, kuwaasi oo Denmark ku soo galay Nidaamka Dib-u-mideynta Qoysaska  “family reunion”.

Sannadkii 2016-kii,  Hay’adda Socdaalka ee Denmark, waxay hseegtay inay isticmaali doono Sharci cusub oo asaas u ah Dib-u-eegista ku-dhawaad 1,200 Soomaali ah oo Fasaxa Deganaanshaha laga siiyey dalkaasi, sababo la xiriira Isbedelka ku yimid Xaalladaha Guud ee qeybo ka mid ah Somalia.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor