Mas’uuliyiin oo kormeeray Ciidanka koofurta Mudug kula dagaalamaya AL-Shabaab

Wasiirada arrimaha gudaha, Kalluumaysiga, Xildhibaano ka Tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug iyo masuuliyiin kale ayaa kormeer dhiirigalin ah ugu tagay Ciidamada AL-Shabaab kula dagaalamaya duleedka degaanka Shabeellow ee koonfurta Gobolka Mudug.

Masuuliyiintaan heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed ayaa saraakiisha ciidamada la qaatay kulan lagu gorfeeyey dagaalka lagula jiro Al-shabaab, muddada loo qorsheeyey in degaanada Galmudug looga soo soo horjeedo Al-shabaab, iyadoo ciidamada iyo Saraakiisha Hogaamineysa looga mahadceliyay guula ay gaareen Ciidanka qaranka.

Howlgalka ka socda Koonfurta Gobolka Mudug ayaa laga gaaray guulo ballaaran iyadoo laga xoreeyey degaano badan oo ka tirsan koonfurta Mudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor