Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxaa kusii qul quleysa wufuud kala duwan oo ka kala socda Maamulada Galmudug iyo Hir-Shabeelle si ay uga qeyb galaan shir halkaasi lagu soo gaba gabeynayo.
Goordhow ayaa waxaa gaaray Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo xubno Wasiiro ah oo la socda,kuwaas oo siweyn loogu soo dhaweeyey Magalada Matabaan.
Dhinaca kale waxaa goordhow la filayaa in ay Matabaan gaaray masuuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle si ay iyana goobjoog uga noqdaan shirka Nabadeed oo lagu Heshiisiinayay Beelo walaalo ah oo wada dega Gobolka Hiiraan.
Shirkaan ayaa socday mudo ka badan labada todobaad,waxana la filayaa in lagu soo bandhigo qodobadii ay ku heshiiyeen labada beelood.