Wararka ka imaanaya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa ku warramaya in Caawa Koox hubeysan ay weerareen Mas’uul ka tirsan Jubbaland.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Hanti dhowaraha degmada  Baardheere ay weerareen Kooxda oo ahaa kuwo hubeysan, waxana dadka degaanku ay sheegayaan in dhacdadu ay ka dhacday Gudaha degmadaasi Baardheere.
Hanti Dhowraha ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay weerar kaas, waxaana lagu magacaaba mas’uulka Cabdirashid Cabdiqadir Warsame.
Ma jiraan dad kale oo ku waxyeeloobay dhacdadaasi, waxaana goob joogayaal ay sheegen in Mas’uulkaasi Xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayo gudaha Baardheere.
Wixii war ah oo kusoo kardho halkaan kala soco.