Masar iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Frderaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Makhsoumi ayaa  kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Masar marwo Yasmine Fouad.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay sidii wax looga qaban lahaa arrimaha deegaanka iyo isbeddelka cimilada oo adduunka qatar ba’an ku haya, saameyn na ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada.

Intii kulanku socday waxay sidoo kale ka wada hadleen labada wasiir sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wasaaradood, ayna isaga kaashan lahaayeen dhanka khibradaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor