QM waxay u sheegtay Dowladda Maraykanka inay ka walaacsan yihiin xayiraadda socdaalka ee lagu soo rogay Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan, Maxamed Javad Zariif muddada uu socdaalka ku joogo New York.
Hadal ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu sheegay inay Wasiirkaasi , loo oggolaaday oo keliya inuu isaga kala gudbi karo Xarunta QM ee New Yorrk, Dhismaha Safiirka Iiraan ku leeyahay New York iyo Garoonka John F. Kennedy ee ku yaalla isla magaalladaasi.
Wasiirka Iiraan waxa uu maalintii Axadda tegay New York, xilli ay xiisad Diplomaasiyadeed ka dhex aloosan tahay Maraykanka iyo Iiraan, waxayna Dowladda Maraykanka Bishii la soo dhaafay ku hanjabtay inay Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan ku dari doonaan Liiska Madow.