War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika ee (Africom) ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka ay duqeyn ku dileen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Duqeynta ay fuliyeen Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Federaalka ayaa waxaa lagu dilay Saddex kamid dagaalmayaasha  Al-Shabaab,waxaana duqeyntaasi ay ka dhacday meel 40 Km koonfur Galbeed ka jirta Magaalada Muqdisho Caasimada dalka Soomaaliya,sida lagu sheegay Warka ka soo baxay Mareykanka.
“Waxaan baaritaan ku sameyneynaa in duqeyntaas oo aan fulinay 27-kii Bishaan in ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah ayuu lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Afrika.
Inta badan ayaa waxaa Gobolada dalka Soomaaliya ka dhaca duqeymo xoogan oo loo geysto Xarumaha ay leeyihiin Al-Shabaab,kuwaasi oo khasaaro kala duwan ay ka soo gaarto dadka Shacabka ah ee ka agdhow goobta laga fuliyay duqeynta.