Mareykanka oo sheegay inay duqeyn ku dileen Xubno ka tirsan AL-Shabaab

Militariga Mareykanka ayaa sheegayi in duqeyn cusub oo ay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen xubno ka tirsan dagaalamaayasha Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in kadib codsi ka yimid dowladda federaalka in ayada oo la taageerayo ciidamada xoogga dalka ay duqeyntan 23-kii Janaayo ka dhacday meel u dhow magaalada Xarardheere.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in qiimeyn horudhac ah ay sheegeyso in weerarka lagu dilay laba ka mid ah Al-Shabaab. AFRICOM ayaa sidoo kale sheegtay in aanay jirin rayid dhaawac ama dhimasho uu kasoo gaaray weerarka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa shalay warbaahinta dowladda u sheegay in howlgal ay ka fuliyeen deegaan hoostaga Xarardheere ay ku dileen 39 ka mid ah Al-Shabaab. Ma cadda haddii labada dhacdo ay xiriiraan.

Waa weerarkii labaad oo saddex maalmood gudahood ay Mareykanka ka fuliyaan Soomaaliya. AFRICOM ayaa sidoo kale weerar ka dhacay magaalada Galcad ee gobolka Gaduud 20-kii Janaayo waxay ku dileen 30 ka mid ah Al-Shabaab.

Galcad iyo Xarardheere ayaa waxaa dhowaan la wareegay ciidamada dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya dadka deegaanka, kadib sanado badan oo ay haysteen Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor