DEG DEG: Madaafiic lagu garaacay qaybo ka mid ah Madaxtooyada Soomaaliya

Warar kala duwan ayaa kasoo  baxaya Madaafiic goordhaweyd lagu garaacay qaybo ka mid ah Magaalada Muqdisho,gaar ahaan meelo u dhaw Madaxtooyada dalka looga arrimiyo, waxaana la helayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan Madafiicda.

Jugta dhawaqa Madaaafiicda ayaa lag maqlay qaar kamid ah degmooyinka Caasimadda, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu jiro khasaare ka dhashay duqayntaasi.

Ilaa iyo 7 madfac ayaa lagu garaacay sida wararku sheegayaan Xaafado ka mid ah Muqdisho, waxaana si gaar ah ay uigu dhaceen qaybo ka mid ah Madaxtooyada iyo meelo u dhaw.

Lama oga khasaaraha ka dhashay ilaa iyo hadda, sidoo kale wax war ah kama soo bxiin laamaha ammaanka,balse tiro dhawr jeer ah ayaa sidaan oo kale madaafiic loogu garaacay qaybo ka mid ah Madaxtooyada.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor