Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Milliteriga Maraykana ka jooga Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa waxay ku sheegeen in duqeyn ay bishan March 18-dii ka fuliyeen Deegaanka Aw-dheegle ee Gobalka Sh/hoose ay ku dileen 3 dagaalyahan oo Alshabaab ah.
AFRICOM waxay kale oo ay sheegtay inay ka war heleen warar sheegaya in ay dad rayid ah khasaaro ka soo gaareen Duqeyntaasi, isla markaana ay dib u eegi doonaan wararka ku aadan dhacdadaasi.
Dhinaca kale, Taliska AFRICOM waxay sheegeen inay sii wadi doonaan wada-shaqeynta ay la leeyihiin Isbahaysigooda sidii mas’uuliyadda Ammaanka Somalia ee muddada dheer ay AMISOM ugu wareejin lahaayeen DFS iyo Maamul-gobaleedyadda qeybta ka ah Federalka Somalia.