Dowladda dalka Mareykan ka ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ku bixisay lacag ka badan 5.3 Bilyan , waxana ay sheegaty in lacagtaas ay u bixiyeen si Soomaaliya xasiloonideedu dib ay ugu soo laabato, balse sida ay sheegtay aysan jirin wax natiijo wanaagsan ah oo kasoo baxay dhaman lacagta ay ku bixyeen taageeridda Soomaaliya.
ku simaha safiirka mareykanka ee UN-ka Cherith Chalet ayaa sheegtay in lacagta ku baxday xaaladda ammaanka Soomaaliya iyo sida wax u socdaan aysan isku dhigmin iyadoo hadalkaas ka jeedisay golaha amaanka.
Waxaa sidoo kale inta ay khudabadda jeedinaysay waxaa ay soo hadal qaadday lacagaha canshuuraha ah ee Al-shabaab ka qaataan ganacsada, waxaana ay sheegtay Cherith Chalet in lacagahan ay soomaaliya ku bixiyeen ay iyo sidoo kale Natiijada kasoo baxda ayay ku sheegtay in ay tahay dhibaatada ugu weyn ee Maraykanku la kulmeen.