Taliska Ciidanka Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee loo yaqaano ARICOM ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn diyaaradeed oo saacadihii lasoo dhaafay ay ka fuliyeen Degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.
War qoraal ah oo kasoo baxay AFRICOM ayaa waxaa ay ku sheegeen in iyaga oo kaashanaya Ciidanka dowladda Soomaaliya ay duqeyn ka geysteen meel ku dhow Degmada Jilib, halkaas ay fariisin ku lahaayeen xubno ka tirsan Al-shabaab.
Sidoo kale AFRICOM ayaa sheegtay in duqeyn oo dhacday gelinkii dambe ee shalay ku dileen xubin ka tirsan Al-shabaab, isla markaana aysan jirin wax Khasaaro ah oo howlgalkaas kasoo gaaray dadka rayidka ah.
Waa duqayntii saddexaad ee Mareykana uu bishaan Janaayo ee 2020 gudaheed ka gaysto Soomaaliya gaar ahaan deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin Al-shabaab.