Mareykanka oo diiday xabbad-joojin ka hirgasha Magaalada Gaza

Mareykanka ayaa diidmada qayaxan saaray qaraar xalay la hor-geeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo dalbanayay in Gaza laga hirgeliyo xabbad-joojin bani’aadannimo oo deg deg ah.

Qaraarka ayaa waxaa taageeray 13 ka mid ah 15-ka xubin ee Golaha Ammaanka. Mareykanka ayaa diiday halka Britian ay ka aamustay.

Wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Robert Wood, ayaa sheegay in aysan taageeri doonin xabbad joojin degdeg ah.

“Iyadoo Mareykanku uu si xooggan u taageersan yahay nabad waarta, taas oo in Israa’iil iyo Falastiiniyiintuba ay ku noolaan nabad iyo ammaan, ma taageereyno baaqyada xabbad-joojinta degdegga ah.”

“Tani waxay kaliya beeraysaa abuur dagaalka soo socda sababtoo ah Xamaas ma rabto inay aragto nabad waarta,” ayuu u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Maraykanku waa mid ka mid ah xubnaha joogtada ah ee xaqa u leh codka diidmada qayaxan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor