Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Mareykanka Jim Mattis,ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay ka go’antahay guul laga gaaro dagaalka Al-shabaab.
Jim Mattis,waxaa uu sheegay in hadda ay Mareykanka Ciidamo ka joogaan Soomaaliya islamarkaana ay dowladda Federaalka iyo AMISOM ka caawiyaan talabixinta iyo kaalmeynta dagaallada qaar.
Waxaa uu xusay in Mareykanka uu 50 Askari oo dheeraad ah u dirayo Soomaaliya, haddii uu codsi rasmi ah Mareykanka ka helo dowladda dagaalka kula jirta Al-shabaab ee Soomaaliya.
Waxaa uu xusay in go’aanka Ciidamada dheeraadka ah loogu dirayo Soomaaliya uu ku hormari doono aqalka Cad ee uu ka taliyo Trump kaddibna ay waaxda difaac shaqadeeda qabsan doonto waxaase uu xusay in marka hore dowladda Federaalka ee Soomaaliya laga sugayo codsi arrintaas la xiriira.
Bishii April Dowladda Mareykanka ayaa 40 Askari u soo dirtay Soomaaliya,waxaana ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ka caawin doonaan la talinta iyo tababarrada Ciidamada Soomaaliya ee Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ka jira dalka.