Mareykanka iyo Pakistan oo ka wada hadlay dagaalka ka socda Afganistan

Madaxweyne Donald Trump iyo Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Imran Khaan oo kulan ku yeeshay Aqalka Cad ayaa waxay isla eegeen xalka Siyaasadeed ee lagu soo af-jari karo dagaalka 18-ka sanno jirsaday ee ka socda dalka Afganistan.

Labada Hoggaamiye waxay kaloo Kulankooda kaga xaajoodeen sidii ay Maraykanka u soo celin lahaayeen Kaalmadda Dhaqaale ee ay siin jireen Pakistan.

Madaxweyne Trump waxa uu u sheegay Ra’isul-wasaaraha Pakistan inay suurto-gal tahay in la soo celiyo Kaalmada dhaqaale ee dhamayd 1.3 Billion oo Dollar, taasi oo uu Madaxweyne Trump hakiyey sannadkii hore.

Ra’isul-wasaaraha Pakistan waxa uu sheegay inay tageero ka geysan doonaan Dadaalka Wada-xaajoodka Nabadda ee Afganistan, isla markaana ay  Ururka Daalibaan ku boorin doonaan inay la hadlaan Dowladda Afganistan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media