Maraykanka oo Somalia ugu hambalyeeyay heerka ay ka gaartay arrimaha deyn cafinta

Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya , Donald Yamamoto ayaa Dowladda Soomaaliya ku bogaadiyay heerka ay ka gaadhay dedaallada ay ugu jirto in laga cafiyo deymaha , xilli ay taagan tahay halista cudurka Coronovirus.

Donald Yamamoto, oo bartiisa xiriirka Bulshada kula hadlay Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa ugu hambalyeeyay in ay Soomaaliya ay soo gaartay heerka go’aan qaadashada ee Barnaamijka deyn cafinta.

Wuxuuna sheegay Safiirku in ay Soomaaliya yeelatay mustaqlab ifaya, isagoo intaa raaciyay in uu Maraykanku ku garab taagan yahay Dowladda Soomaaliya barnaamijka  habaynta dhaqaalaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media