Xoghayaha Difaaca ee Maraykanka, JIIM MATIYOOS ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu Suxufiyiinta kula hadlay Xarunta Difaaca Maraykanka ee PENTOGANKA, oo uu faahfaahin kaga bixiyey Hawlgalka Mustaqbalka ay ka fulin doonaan dalka Syria.
Waxa uu carrabka ku dhuftay inay Maleeshiyadda Daacish la dagaalami doonaan ilaa inta ay doonayaan inay dagaalamaan, isla markaana ay Ciiddanka Maraykanka ka hortegi doonaan si aysan Daacish mar kale u soo laba kacleynin.
Hadalkiisa ayaa soo baxay maalmo kadib, markii ay Madaxweynayaasha Raashiya iyo Maraykanka isku raaceen inay si wadjir ah uga shaqeeyaan Degaanshaha dalka Syria.