Dowladda Maraykanka ayaa shaaca ka qaadday in Somalia ay ugu deeqayso in ka badan $257 Milyan oo doollar si wax looga abto arrimaha muhiimka ah ee bulshada.
Hay’adda ayaa sheegtay sababta ay kharashka intaas la’eg ay ugu deeqayso Somalia in ay tahay sidii ay caawinaad u heli lahaayeen qooysaska saboolka ah gaar ahaana kuwa barakacayaasha iyo kuwa kale ee nugul.
“Lacagta dheeraadka ah waxay keenaysaa kaalmada bini’aadanimo ee Mareykanka ilaa $ 2.5 milyan oo ku dhibaateysan Soomaaliya in lagu taageero†Ayaa lagu yiri warka Hay’adda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga ah.
Diana Putman, oo ah ee Wakaaladda Horumarinta Caalamiga ah (USAID), ayaa ku shaaciyay  in Dowladda Mareykanka ay siineyso Somalia ​​$ 257 milyan oo ah gargaar bini’aadannimo oo dheeraad ah Sanadkaan.