• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, July 14, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Trump oo caro kala dul dhacay dadka soo gudbiyay dalabka xil ka qaadistiisa

Bilan Media by Bilan Media
October 3, 2019
in Warar, Wararka Idaacadda, Xulasho, XULKA WARARKA
Reading Time: 4 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraadiga, kuwaas oo dalbaday in Trump wax laga weydiiyo eedeemaha loo jeediyay.

Trump ayaa sheegay in Dimuqraadiga ay wakhtiga iska luminayaan, wuxuuna weerar afka ah ku qaaday guddoomiyaha guddiga sirdoonka ee Aqalka Kongreska ee Mareykanka, Adam Schiff. Trump ayaa sidoo kale sheegay in Adam Schiff isagaba laga baaro in uu sameeyay khiyaano qaran.

Guddoomiye Adam Schiff, ayaa sheegay in xukuumadda Trump ay isku dayayeeso inay buuq ku furto guddiga uu hogaamiyo oo uu sheegay inay ku hawlan yihiin sidii loo ogaan lahaa xaqiiqda ku saleysan wicitaankii dhanka taleefoonka ee dhexmaray Trump iyo dhigiisa Ukraine, kaas oo la sheegay in Trump uu ka dalbaday in baaritaan lagu sameeyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Bidden iyo wiil uu dhalay oo horay uga soo shaqeeyay shirkadda Gaaska ee dalka Ukraine.

Schiff waxaa kale oo uu sheegay in tallaaba walba oo lagu hor istaago helitaanka macluumaadka la xiriira arrintaas ay keeni karto in xukuumadda Trump lagu eedeeyo jebinta sharciga, horseedi kartana xil ka qaadis.

Madaxaweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa hadalkan ka sheegay xilli ay si wadajir ah shir jaraa’id u qabanayeen isaga iyo dhiggiisa dalka Finland, Sauli Niinistö, waxaana Trump uu maalmahan ba culeys siyaasadeed kala kulmayay siyaasiyiinta xisbdiga dimuqraadiga ee aqalka Kongreska ee Mareykanka.

Trump wuxuu sidoo kale si carro leh uga jawaabay su’aal uu weydiiyay weriye katirsan wakaaladda wararka ee Reuters.

Weriyaha ayaa Madaxweyne Donald Trump weydiiyay su’aal ahayd maxaad dooneysay in Madaxweynaha Ukraine uu ku sameeyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Bidden, iyo wilkiisa. Trump ayaa halkii la rabay in uu su’aasha ka jawaabo waxaa uu weriyihii kala dul dhacay cannaan.

“Waxaan ku iri haddii aad su’aal qabto weydii Madaxweynaha Finland oo madax adeega jooji, ” ayuu yiri Trump.

Wuxu intaa raaciyay in eedeemaha loo jeedinayo aysan waxba ka jirin oo ay bunbuuninayaan dad uu kamid yahay isla weriyahaas iyo warbaahiin uu ku tilmaamay inay baahiyaan warar been abuur ah.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale caro kala dul dhacay guddoomiyaha guddiga sirdoonka ee aqalka Kongreska, Adam Schiff, oo uu sheegay in uusan daacad ahayn, wuxuuna ugu baaqay in uu xilkaas iska casilo.

“Dhab ahaantii waa inay isaga wax ka weydiiyaan in uu galay khiyano qaran.”, ayuu raaciyay Madaxweyne Trump.

Mr Trump waxaa kale oo uu sheegay in uu aaminsan yahay in Schiff uu qofka sirta dusiyay ka caawiyay in uu gudbiyo dacwadda, isagoon wax caddeyn ah soo bandhigin.

Waxaa maalmahan ba la hadal hayay in qofka dusiyay sirta la shaciiyay, la siiyo badbaado, hasayeeshee Madaxwyene Trump ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo jeediyay, wuxuuna weriyeyaasha u sheegay in qofka waxa uu sheego uu waafaqsan yahay sharciga la badbaadin karo oo keliya.

“Dalka waa in uu ogaadaa ninkan qofka uu yahay, maxaa yeelay qofkaas waa basaas, sida ay ila tahay aniga,” ayuu raaciyay.

Wuxuu Trump eedeemaha loo jeediyay ku tilmaamay kuwa aan waxba ka jirin oo been abuur ah, wuxuna intaa raaciyay in uu la shaqeyn doona aqalka Kongreska.

Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay ayuu Trump ku eedeeyay afhayenka aqalka Kongreska, Nancy Pelosi iyo Schiff, oo uu sheegay inay ku hawlan yihiin waxyaabo qurun ah, wuxuuna intaa raaciyay Nancy looga baahan yahay inay wax ka qabato halkii laga soo doortay ee San Francisco, oo uu sheegay inay ku badan yihiin dadka derbi jiifka ah.

Xigasho BBC-Somali

Previous Post

Maraykanka oo malaayiin dollar ugu deeqaya Somalia

Next Post

Taliye ka tirsanaa Ciidanka Danab oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Bilan Media

Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Related Posts

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

July 13, 2025
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya
Warar

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Gaaray Beledxaawo, Kulamo Siyaasadeedna Bilaabaya

July 12, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan

July 12, 2025
Next Post

Taliye ka tirsanaa Ciidanka Danab oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

by Liban
July 14, 2025
0

Lamu, Kenya – In a move aimed at deepening bilateral cooperation and supporting development in regions with a strong Somali presence,...

President Hassan Sheikh: “The Federal Government of Somalia Stands in Full Solidarity and Shares Condolences with the Government of Nigeria”

President Hassan Sheikh: “The Federal Government of Somalia Stands in Full Solidarity and Shares Condolences with the Government of Nigeria”

by Liban
July 14, 2025
0

The President of the Federal Republic of Somalia, H.E. Hassan Sheikh Mohamud, has expressed his heartfelt condolences following the sorrowful...

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Ciidamada ammaanka magaalada Gaalkacyo ee dhanka Galmudug ayaa xalay fuliyay howlgal ballaaran oo lagu xoojinayo amniga magaalada. Howlgalkan ayaa waxaa...

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

by Ilhaan
July 13, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qaybgalay kulan lagu dhiirigelinayay doorka muhiimka ah ee haweenka Puntland ay ka...

Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora
English News

Somali Envoy Visits Kenya's Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
President Hassan Sheikh: “The Federal Government of Somalia Stands in Full Solidarity and Shares Condolences with the Government of Nigeria”
English News

President Hassan Sheikh: “The Federal Government of Somalia Stands in Full Solidarity and Shares Condolences with the Government of Nigeria”

July 14, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
Warar

Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”
Warar

Madaxweyne Deni: "Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac"

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine
Caalamka

Kim Jong Un oo Ruushka Siiyay Taageero Aan Shuruud Lahayn Dagaalka Ukraine

July 13, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan
Warar

Shirka SSC-Khaatumo oo Loogu Goleeyahay Xoojinta Maamulka, Iyadoo Xiisado Siyaasadeed ay Sii Socdaan

July 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Somali Envoy Visits Kenya’s Lamu County to Boost Investment and Strengthen Ties with Somali Diaspora
  • President Hassan Sheikh: “The Federal Government of Somalia Stands in Full Solidarity and Shares Condolences with the Government of Nigeria”
  • Howlgal Ballaaran oo Lagu Sugayo Amniga Gaalkacyo oo Lagu Qaaday Xalay
  • Madaxweyne Deni: “Bulshada Puntland waa inay laba indhood yeeshaan inta lagu jiro hawlgalka Hillaac”

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00